Ethiopia oo leysay Odayaal caan ah (Faahfaahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ayaa Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ku laayay Odayaal dhaqmeed saarnaa gaari caasi oo ay la socdeen.

Odayaasha la dilay ayaa tirro ahaan gaaraya ilaa 6 Odayaal, halka dhaawacana uu soo gaaray 8 kuwaasi oo xiliga la rasaaseynaayay kusii jeeday Tacsi, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Odayaasha ayaa la shegay in ay ka amba baxeen magaalada Baladweyne, hayeeshee inta aysan gaarin goobta tacsida halkaasi lagu laayay.

Odayaasha la dilay ee gaariga la socday ayaa waxaa kamid ahaa Nabadoon Cilmi Shabeel oo caan ka ah Gobolka Hiiraan.

Geesta kale, waxaan ilaa iyo hadda la garaneynin sababta ka danbeysay dilka Odayaashaasi, waxaana ilaa iyo iminka aan weli ka hadal Taliska Ciidamada Ethiopia ee Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com