Wasiir maanta kawaanka u saaran BF SOMALIA!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah Golaha Baarlamaanka Somalia ay hortagto Wasiirada Waxbarashada Somalia, Khadra Bashiir Cali.

Golaha ayaa codsaday in Wasiirada ay hor imaado BF si ay su’aalo uga weydiiyan howlaha Wasaaradeeda oo Asbuuc ka hor uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shekh Cusmaan Jawaari ku eedeeyay Howl ka gaabin.

Mahad Cabdalla Cawad oo ah Gudoomiye ku-xigeenka labaad ayaa u yeeray Wasiirada waxa uuna sheegay in Baarlamaanka uu qabo Su’aalo ku aadan howlaha Wasaarada islamarkaana looga baahan yahay Turxan bixinta Su’aalahaasi.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa yiri “Wasiiradda waxaa laga doonaayay in maanta oo Axad ah ay hortimaado BF, Wasiiradda waxaan ka codsanaynaa inay waqtiga ilaaliso Baarlamaanka iyada ayuu u fadhiyaa”

Isaga oo hadalkiisa siiwata ayuu yir “Xildhibaanada ayaa waxay rabaan inay su’aalo weydiiyaan Wasiiradda. Su’aalaha waxay la xiriiiran Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, su’aalaha ay qabaan Xildhibaanada waa inay kaga jawaabtaa sida sharciga ah.”

Wasiir Khadra Bashiir Cali, ayaa dhawaan lagu eedeeyay in mudada ay heyso xilka aysan wax kusoo biirin Wasaarada gaar ahaan Howlaha Tacliinta sare.

Geesta kale, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxa uu dhawaan digniin u jeediyay Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka isaga oo labadaasi Wasaarad ku sifeeyay kuwa ugu liita Xukuumada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com