Maxkamadda ICC oo faraqa heysata KENYATTA!!

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ICC, ayaa lagu wadaa inay dacwad culus ka gudbin doonto Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta.

Maxkamada oo la filaayo in shirweynaha ay Dalalka Xubnaha ka ah isugu imaanayaan Taariikhdu marka ay ku asteysan tahay 19 Ogoosto, ay inta uu socdo shirka Madaxweyne Uhurro Kenya kusoo oogi doonto dacwad ah inay kala shaqeyn waayay dacwadda loo haysto.

Dacwad oogaha Maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ee ICC, haweenayda lagu magacaabo Fatou Bensouda, ayaa Maxkamada ugu baaqday in la soo afmeero dacwadaha la xiriira xasuuqa uu geystay Uhurro Kenyatta inta dalka Kenya uu ku jiray xaalad degdeg ah.

Mr Fatou Bensouda ayaa Dowlada Kenya ku eedeeysay inay iska indha tireyso danbiyada ka yaalla Maxkamada, waxa ayna sheegtay in Kenya ay wakhti heysato kaliya inta ka harsan wakhtiga uu kulanka furmaayo.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku Xigeenkiisa William Ruto iyo Wariye lagu magacaabo Joshua Arab Sang, ayay maxkamada ICC, ku oogtay Masuuliyada dacwad ku saabsan dhimashada 1,133 qof oo lagu dilay rabshado dalkaas ka dhacay sannadkii 2007-kii, iyo 650,000 oo qof oo deegaanadii laga barakiciyay, xilligaas oo ku beegnayd murankii ka dhashay natiijadii doorashadii dalkaas ka dhacday.

Waxaan si sax ah loo garankarin natiijada kasoo bixi karta Fadhiga ay isugu imaan doonaan Saraakiisha sare ee Maxkamada iyo Dowladaha xubnaha ka ah, waxaana la fili karaa in natiijooyin caqabad ku ah Uhurro Kenyatta uu kasoo baxo kulamadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com