MUUNGAAB oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia 2016ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ugu horeyn ka hadlay khilaafka soo ifbaxay ee kala dhaxeeyo qaar kamid ah ku xigeenadiisa oo maalmahaanba la hadal hayay.

Muungaab, ayaa been abuur ku tilmaamay in wax khilaaf ah uu kala dhaxeeyo ku xigeenadiisa, laakiin ay jiri karaan iney isku qabtaan shaqooyinka loo hayo dadweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si cad kaga hadlay waxyaabaha u qorsheysan sanadka 2016 maadaama marar badan la shaaciyay inuu yahay musharax doonaya madaxweynaha Soomaaliya inuu noqdo sanadka soo socda.

Wuxuu si cad u sheegay in marnaba uusan aheyn musharax madaxweyne oo xilkaasi uu u deynayo madaxweynaha talada dalka hayo iyo dadka kale ee doonaya iney noqdaan madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2016.

“Aniga marnaba musharax maahi 2016, waxaan ahay duqa Muqdisho halkaan ayaan ku mashquulsanahay oo aan doonayaa inaan wax badan ka qabtaa”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab.

Waxaa sanadihii lasoo dhaafay soo baxayay in Muungaab uu doonayo madaxweynaha Sanadka 2016, maadaama uu helay dhaqaalo badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com