Aqriso: 11-ka qodob ee ay isku raaceen beelaha dega HIiraan & Sh/dhexe ee maamulka dhisanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu saxiixay maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ahaa mid ka duwan qaababkii hore ee loo dhisi jiray maamul Goboleedyada dalka, iyadoo heshiiskaasi ay saxiixeen dhammaan inta ku lugta leh labadaas gobol iyo xaaladda Soomaaliya, sida:

  • Wasiirada ka soo jeeda labada gobol
  • Labada Guddoomiye gobol,
  • & Wakiilada Beesha caalamka.

Qodobada lagu saxiixay ee heshiiska salka ah looga dhigay oo ka koobnaa  12 qodob hoos ka akhriso:

  1. In la dhiso maamul ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe
  2. In dhismaha maamulka ay ka qeyb galaan dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
  3. In la qabto Shirweyne ay u dhan yihiin dhamaan  Beelaha Labadan Gobol si loo dhiso Dowlad goboleed ka kooban Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
  4. In la dhiso Guddi farsamo oo ka kooban 31 oo ka socda dhamaan beelahas, Guddigaas Farsamo waxaa lagu soo magacaabi doonaa 14 maalmood Gudahood marka la saxiixo Heshiiskan.
  5. Maamulka la dhisayo waxaa uu u howl galayaa si wadajir ah, in lala dagaallamo Nabad diidka Gobolladaas, Nabadna lagu soo dabbaalo gobolladaas.
  6. Geedi socodka dhismaha maamulka waxaa lagu dhameystirayaa 60 Maalmood, waxaana fududeynaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
  7. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuul ka ah Xaqiijinta, meel marinta, taabbo gelinta heshiiskan, iyo bixinta wixii tasiilaad ah ee ku baxaya.
  8. Shaqada iyo waajibaadka guddiga Farsamada waxaa soo diyaarinaya Dowladda Federaalka ah, waxaana lagu soo celinayaa saxiixayaasha heshiiskan.
  9. Ciddii carqaladeysa hannaanka hab dhismeedka maamulka waxaa loo aqoonsanayaa qas-wade waxaana laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.
  10. Heshiiskan waxaa wadajir u saxiixaya Guddoomiyayaasha Labada Gobol iyo 12 Wasiir oo ka soo jeeda labadan gobol.
  11. Saxiixayaasha heshiiskan qeyb kama aha habka uu noqon doono awood qeybsiga

Saxiixayaasha waxay saxiixooda ku caddeynayaan waafaqsanaantooda maamul goboleed ay yeeshaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com