Isku shaandheynta wasiirada oo u xayiran 1 qof

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ay soo gabagabeeyen qorshaha Isku shaandheynta Xukuumada Somalia.

Inta badan Wasiirada Cusub ayaa waxaa kala qeybsaday Madaxweyne Xassa, Ra’isul wasaare Cumar iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, halka tirada soo hartayna ay kala wataan Siyaasiyiin ku dhow dhow Madaxweyne Xasan oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo kuwo kale.

Madaxweyne Xassa ayaa waxaa iminka miiska u saaran Liiska Xukuumada Cusub oo ay ka dhex muuqdaan Xildhibaano dhowr ah kuwaasi oo Madaxweynaha lawada qorshaha Doorashada la filaayo inay dhawaan ka dhacdo dalka.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dib u dhaca Isku shaandheynta ay tahay mid lala sugaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isaga sanadkaani kaalin muuqata ka qaadanaayo dhismaha Xukuumada Cusub.

Jawaari ayaa iminka ku maqan safar dibada ah waxaana la filayaa in gudaha Asbuucaani uu dib ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho si loo sameeyo Isku shaandheynta laga hadal hayo Xarumaha DF iyo inta badan dalka.

Inkastoo aan weli la helin Liiska saxda ah ee Xukuumada Cusub hadana waxaa jiro warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Xukuumada ay kamid noqon doonaan Wasiiro hore.

Lama oga baahiyaha xiligaani keenay in Isku shaandheyn lagu sameeyo Xukuumada, waxaana jiro warar hoose oo sheegay in Madaxweyne Xassan uu isbedelada kusoo qatimi doono Xukuumada imaan doonta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com