24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Maxadan ogeyn oo maanta ka socda Baydhaba?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo oo Xarun Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi uu si xooli ah maanta uga socdo qorshaha Xulista Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ee Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xarunta weyn ee Maamulka ay iminka ku sugan yihiin Odayaal dhaqmeed farabadan oo iyagu xubno ka ah Gudiyada loo xilsaaray Xulista Baarlamaanka Maamulka, waxaana la soo warinayaa inay socto qaban qaabadooda.

IImaam C/llaahi Khaliif Rooblle oo kamid ah Odayaasha ayaa Caasimada u sheegay in Odayaasha Hawiye ee wax ka dhistay Maamulka ay aadayaan Magaalada Baydhabo si ay uga qeyb galaan Xulitaanka Xildhibaanada Koofur galbeed iyo sidii ay qeybtooda u qaadan lahaayeen.

Dhanka kale, Odayaasha Haweye ayaa isku fahmi’la qaabka ay u kala qeybsan lahaayen tirada loogu tallo galay Beelaha Hawey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News