Ciidamada Galmudug oo qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, ayaa gacanta kusoo dhigay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa iyo raggii la socday, sida ay laamaha amnigu saaxaafadda u sheegeen.

Dhamme Cali Xirsi Sahal, Taliyaha Saldhigga Booliiska Gobolka Mudug dhanka DG Galmudug waxa uu sheegay in howlgalkaan ay kusoo qabteen ku dhawaad 50 Miino oo lagu keydiyay meel “Al-Shabaab ugu talagashay in ay kasii qaado si loogu aaso meelaha ay qorsheeyeen” sida uu hadalka u dhigay.

Gaarigan qaraxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu soo qabtay deegaanka Dagaari oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed uga beegan magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidamadu ku raad joogaan rag kale oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin qaraxan.

Taliyaha saldhigga dhexe Gaalkacyo ee Galmudug, ayaa sheegay inay soo bandhigidoonaan gaariga qaraxa siday iyo halka uu ahaa bartilmaameedkiisa.

Waa gaarigii labaad oo qarax siday oo lagu qabto meelo katirsan gobolka Mudug. Dhowaan ayay ahayd markii degmada Galdogob ee gobolka Mudug ee Puntland lagu qabtay gaari Dhayne ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, gaarigaas oo kusii jeeday dowlad deegaanka Somalida.

Gobolka Mudug waxaa ka socda Howlgallo ay kala sameynayaan Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Puntland halka mararka qaar ay wadajir u fuliyaan howlgallada ay ka sameeyeen Koofurta & Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Howlgallada Dowlad-Goboleedyada Puntland & Galmudug ay iska kaashanayaan ayaa meesha ka saaray Maleeshiyaadka hubeysan ee dilalka ka geystay Koofurta & Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.