Daawo: Nuur: Gacanteyda waxay u go’day kun shilin oo u diiday askari i baadi rabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibane Nuur Cabdullaahi Maxamuud, oo ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho, ayaa Caasimada Online ugu sheekeeyay dhacdo xanuun badan oo uu ku waayay mid ka mid ah gacmahiisa, taasoo sababtay inuu shaqeysan waayo, noloshana maareyn waayay maadaama hal gacan ay ka maqan tahay.

Nuur ayaa ka mid ahaa kirishbooyada gaadiidka BL-ka ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in gacantiisa ay u go’day Kun shilin Somali ah oo qiimo ahaan aanan waxba goyn ama lagu iibsan karin.

Askari ka tirsanaa dowladdii 2004-tii ee Cabdullaahi Yusuf Axmed AUN ayaa xabad la dhacay Nuur oo xiligaasi Kirishbooy ka ahaa gaadiidka BL-ka ee bosteejadoodu tahay suuqa Bakaaro.

Nuur wuxuu sheegay in askariga rasaasta la dhacay uu ku rabay inuu siiyo baad Kun Shilin Somali ah, laakiin uu diiday maadaama ay aheyd mid baad iyo dhac ah, waxayna sababtay in askariga uu si ku talagal ah uu dhowr xabadood la dhacay dhibanaha oo halkaasi uu ku waayay gacantiisa.

Dhibane Nuur ayaa sheegay in xiligaasi uu waayay caddaalad uu ugu baahnaa dowladdii xiligaasi jirtay, taas badalkeedna uu Alle dartii u sabray ilaa laga gaarayo maalinta Alle la xisaabtamaayo ummadiisa.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia inteeda kale ayaa waxaa ka dhaca falal arxan daran oo qofka bini’aadamka ah uu naftiisa u weynayo macno daro, iyadoo aysan jirin hay’addo garsoor iyo kuwa amniga oo si dhab ah wax ugu qabta amni darada iyo dilalka macna darada.

Waa mid ka mid ah dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhaca Soomaaliya iyo dilalka iyo dhaawacyada shacabka loogu geysto wax aan qiimo laheyn.

Hoos ka daawo sheekada Nuur

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online