Maxay Yahuudda ku nool Ruushka hadda u billaabeen inay u qaxaan dal kale?

Moscow (Caasimada Online) – Tiro aad u badan oo bulshada Yuhuudda ah ayaa ka socdaalayey Ruushka tan iyo markii dagaalkii Ukraine uu bilowday. Hey’adda Yuhuudda ee ka caawisa Yuhuudda inay ku noqdaan Israel ayaa sheegtay in 20,500 oo kamid ah 165,000 ee Yuhuudda ee Ruushka ku nool ay kasoo hayaameen tan iyo bishii March. 

Kumaankun kalana, waxay u kala haajireen dalal kale.  

Waxayna tani daba socotaa cabsi xoog leh oo isasoo taraysa oo ku abuuran Yuhuudda taas oo ay tuhmayaan in loo waxyeeleyn karo qalaalasaha ka socda Ukraine. 

Gudaha caasimadda Moskow waxaa ka socday dadaallo lagu horumarinayo bulshada Yuhuudda ah tan iyo markii uu dhammaaday taliskii Shuuciga ahaa. Waxaana horboodayay wadaad  diimeeda (rabbi) ee deegaanka ku nool oo la yiraahdo Pinchas Goldschmidt.  

Laakiin labo toddobaad un markii la joogay bilowga dagaalkii Ukraine, rabbi Pinchas iyo qoyskiisaba waxay isaga baxeen Ruushka – iyaga oo u baxsaday Hungary – kahor inta aysan gaarin Israel. 

In yar kadibna wuxuu iska casilay jagadii uu bulshada Yuhuudda ee Ruushka ku nool u hayay, kadibna wuxuu bilaabay inuu kasoo horjeesto dagaalka Moscow ay ku qaaday Kiev.  

“Waxaan dareemay mas’uuliyad ah inaan muujiyo sida aan marnaba raali uga ahayn fara-gelin iyo duullaanka qaawan ee lagu qaaday Ukraine,” ayuu yiri. 

“Laakiin halis baan ku geli lahaa middaas; haddii aan ku dhex oran lahaa gudaha Ruushka,” ayuu sii raaciyay. 

Yuhuudda Ruushka ku nool ayaa dhaleeceeyey ka tegitaankiisa Moscow iyo inuu kasoo horjeestay dagaalka, laakiin Pinchas wuxuu sheegay inuu ku saxnaa middaas. 

“Waxaan helay farriimo u qoran; ‘maxaad nooga tagtay?’ balse waxaan ku dhihi lahaa dunida oo dhan ayaa ku midaysan cambaaraynta, waana qaddiyad ka weyn inta aan moodi karno,” ayuu yiri. 

Pinchas wuxuu qiray in sababta uu u hadlay awgeed loo beegsan karo xubnaha kale ee Yuhuudda ee ku nool Ruushka. Laakiin, in badan ayaa tallaabtiisa qaaday oo boorsooyinkooda kasoo xirxirtay.  

Qaar badan waxay heleen fursadda dib ugu noqoshada Israel. Laakiin bare sare Anna Shternshis, waxay qabtaa inaysan jirin sabab looga dido dhacdooyinka maadaama naceybka ka-dhanka ah Yuhuudda aanu aad u badneyn. 

“Waxaase yaab leh in marwalba oo Ruushku wax ka dhacaan, Yuhuudda waxaa soo wajaha cabsi xooggan iyo hubaal la’aan,” ayay tiri.

Waxayse kaashanayaan keydka taariikheed ee Ruushka kaas oo qalalaaso ka-dhan ah Yuhuudda ay ka dhici jirtay marwalba oo dhacdooyin waaweyn ah ay dalka ka curtaan.  

Hal nin oo si qarsoodi ah u damacsanaa inuu uga soo baxo Ruushka ayaa sheegay inay ku adkeyd inay dareenkooda muujiyaan madaama ay degan yihiin Moskow. 

“Qoyskeygu waxay garwaaqsadeen in wax aka socda Ukraine aysan sax ahayn, laakiin ma aqoon sida aan uga bannaan bixi karno,” ayuu yiri. 

Hayeeshe bare sare Anna Shternshis waxay rumeysan tahay in cabsida ay qabaan Yuhuudda Ruushka aysan kaliya ku koobneyn dagaalka ka socda Ukraine oo ay diidan yihiin.  

Balse ninkan oo diiday inuu sheego magaciisa dhabta ah ayaa yiri. 

“Waxaynu is weydiinaynaa waxa xiga oo wararka soo socda lagu soo qaadan doono. Ma innaga oo lumina shaqooyinkeenna ama xabsiyada nalo taxaabo.” 

“Dhab ahaan, cabsi aan yareyn ayaanu qabnaa.”