Somaliland oo ka laabatay go’aankii ay ku fasaxday ka qeyb-galka madaxda DF ee aaska abwaan Hadraawi

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa beenisay hadal uu saxaafadda u jeediyay wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Maxamed Kaahin Axmed oo ku sheegay in ciddii ruqsad soo weydiisata ay u ogaalanayaan ka qeybgalka aaska abwaankii weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ee shalay geeriyooday.

Warka oo si weyn ugu baahay warbaahinta ayaa waxaa ka daba yimid qoraal kale oo uu soo saaray isla wasiirka oo ah Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada kaasi oo lagu sheegay in saxaafadda ay si qaldan warkii hore u fasiratay

“Haddaba Warbaahinta ayaa si khaldan oo been abuur ah u turjuntey hadalkii Wasiirka, iyagoo ka dhigay in uu ogolaaday in ay aaska ka soo qayb geli karaan Madaxda Soomaaliya, warkaasoo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiir Maxamed Kaahin.

Wasiirka wuxuu kale oo in hadalkiisa uu ahaa oo kaliya in haddii ciddii ka soo codsato ay markaa ka wajaabayaan, isagoo ka raali geliyay shacabka Somaliland.

Dhinaca kale, qoraalka ayaa looga digay saxaafadda inaysan siyaasadayn aaska loo samaynayo Abwaankii waynaa Maxamed IbraahimWarsame (Hadraawi).

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa si caro leh oo Soomaalinimada inay ka baxsan tahay ugu falceliyay, waxaana barraha bulshada lagu codsanayay inay go’aankaasi maamulka Somaliland ka laabtaan maadaama Hadraawi ahaa Oday Soomaaliyeed oo uusan aheyn mid matala gobol kaliya.