Turkish Airlines oo duulimaad TOOS ah ka billaabeysa magaalada Hargeysa

Istanbul (Caasimada Online) – Turkish Airlines ayaa shaacisay inay qorsheyneyso duulimaad toos ah oo ay ku tagto magaalada Hargeysa (HGA), taasi oo qeyb ka ah dadaal ay ku ballaarineyso duulimaadyadeeda Afrika.

Turkish Airlines ayaa hadda Soomaaliya ka tagta kaliya magaalada Muqdisho, balse waxay shaacisay inay dhowaan qorsheyn doonto inay duulimaadyo ka billowdo Hargeysa bilaha soo socda.

Shirkaddan laga leeyahay dalka Turkiga waqti rasmi ah uma qaban xilliga ay billaabeyso duulimaayada Hargeysa.

Duulimaadka Hargeysa ayaa qeyb ka noqon doona saddex duulimaad oo cusub oo Afrika ah oo Turkish Airlines ay billaabeyso bilaha soo socda ayada oo labada kale ay yihiin Aswan (ASW) oo Masar ah iyo Port Sudan (PZU) oo Sudan ah. 

Go’aanka ay Turkish Airlines ku ballaarineyso duulimaadyadeeda qaaradda ayaa yimid kadib markii ay shaacisay in dakhligeeda lixdii bil ee ugu horreeyey ee sanadka uu kordhay 27.5% oo uu gaaray $7.6 bilyan, islamarkaana ay xareysay faa’iido ah $664 milyan.

Turkish Airlines ayaa hadda u duusha 62 magaalo oo ku kala yaalla 41 dal oo Afrika ah.

Bishii May, Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa billowday duulimaad si toos ah isugu xiraya Muqdisho iyo Istanbul, ayada oo meesha ka saartay hakadkii ay ku sameyn jirta Jabuuti. 

Turkish Airlines waxay si toos ah uga shaqo billowday Soomaaliya 6-dii March 2012, ayada oo isaga kala gooshi jirtay garoonkii hore ee Atatürk iyo Muqdisho. Duulimaadkaas ayaa billowday toddoba bilood un kadib markii madaxweyne Erdogan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaare uu booqday dalka markii ugu horreysay. 

Waxay markii horey Muqdisho tegi jirtay laba maalin toddobaadkii, ayada oo ku hakan jirta Khartoum, balse waxay kadib hakashada u wareejisay Jabuuti bishii August 2012.