Saddex arrin oo taabanaya Soomaaliya iyo waxa uu ka aaminsanyahay William Ruto

Nairobi (Caasimada Online) – William Ruto wuxuu sugayaa aqbalaad madaxweyne oo ka timaada dhinacyadii la tartamay ama maxkamad sharci ah.

Kumanaan Soomaali ah ayaa ka qeybgashay codeyntii doorashada Kenya. Ishabeysiga Raila Odinga ayaa guul aan la fileyn kasoo hooyey gobolka woqooyi bari ee Kenya halkaas oo ay Soomaalida dagto.

Ismaamulada Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera waxaa hoggaankooda ku guuleystay xubnihii ka socday isbakeysiga xisbiyada ku jiraan ee Azimio.

Marka codeynta madaxweynaha laga hadlo sida uu faafiyey guddiga IEBC 79% codadka Gaarisa, 56% codadki i Wajeer iyo 71% codadkii Mandheera ayuu helay isbaheysiga uu hoggaaminayo Raila Odinga kaasoo ay xisbiyo badan u kulmeen.

Inkastoo Soomaalida Woqooyi bari aysan xoog badan ka gelin William Ruto haddana wuxuu u muuqdaa inuu kusii siqaayo inuu xukunka qaato haddii aysan maxkamad sharci ah burin natiijadii la faafiyey 15-kii bishaan.

Haddaba waxaan dib u eegeynaa seddex arrimood oo taabanayo Soomaalida iyo waxa uu William Ruto ka damacsan yahay ama ka damacsanaa markii uu madaxweyne ku xigeenka ahaa.

1- Ciidanka Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya

Dad badan oo Soomaali ah kuma qanacsana ciidanka Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya, waxaa lagu eedeeyaa ciidankaasi tacadiyo badan oo ay ka geysteen gobolka Gedo.

Sanadkii 2019 William Ruto wuxuu BBC u sheegay inay tahay mas’uuliyad darro weyn in ciidanka Kenya laga soo saaro Soomaaliya inta ay ka xaqiijinayaan amnigooda iyo midka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Ruto waxa uu ku jiraa siyaasiyiinta sida weyn u taabacsan qadiyadda askarta Kenyanka ah ee kusii joogayaan Soomaaliya taasoo dhinaca kale aysan Soomaali badan jecleyn.

2- Ganacsiga qaadka

Ganacsiga maandooriyahaan oo dhowr jeer xaalado ka dhex abuuray labada dal ayuu ka hadlay William Ruto. Wuxuu sanadkii 2021 sheegay xilliga dowladda federaalka ee Soomaaliya ay joojisay qaadkii loosoo dhoofin jiray Soomaaliya in haddii la doorto uu Qaadka u keeni doono suuq cusub oo looga maarmo Soomaaliya.

Inkastoo aysan Soomaali badan ku faraxsaneyn daroogada Qaadka ee loo soo dhoofiyo dalkooda, haddana inuu William Ruto ka fakarayo ka talo bixidda Suuq Soomaaliya macno ayaa ku jira ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

3- Xiritaanka xirada Qaxootiga ee Dhadhaab

Dhadhaab waxaa ku nool nus Milyan qof oo Soomaali ah oo qaxooti ah, William Ruto wuxuu sanadkii 2016 ugu baaqay beesha caalamka inay ka taageerto go’aanka ay dowladda Kenya ku dooneyso inay albaabada isugu dhufato xirada qaxootiga ee Dhadhaab.

William Ruto oo xilligaasi ka hadlayey shir arrimaha bini’aadanimada la xiriira oo ka dhacay Turkiga ayaa ka codsaday beesha caalamka inay bixiyaan dhaqaalaha dib u dajinta loogu sameenayo qaxootiga ku sugan xirada Dhadhaab.

Dowladda Kenya ayaa sanadkii hore sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hey’adda Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNCHR inay xiri doonto qiryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma wixii loo gaaro 30 Bisha June 2022, balse arrintaas illaa iyo hadda ma shaqeyn.