Ciidamada Israel oo duqeyn culus ku billaabay Lubnaan iyo wararkii ugu dambeeyey

Beirut (Caasimada Online) – Militariga Israel ayaa duqeeyey dalka Lubnaan ayaga oo ka jawaabaya gantaallo halkaas looga soo tuuray, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay militariga.

Lix gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan ayaa Isniintii lala beegsaday waqooyiga Israel hase yeeshee uma soo gudbin Israel oo waxay ku dhaceen meel xuduudda u dhow, sida militariga Israel ay yiraahdeen. 

Militariga Israel ayaa sheegay in ayada oo taas laga jawaabay la duqeeyey Lubnaan, si loo beegsado “halka laga soo tuuray”gantaallada.

Ilo-wareedyo amnio o ku sugan Lubnaan ayaa Reuters u sheegay in illaa 22 gantaal oo ay soo rideen militariga Yahuudda ay kusoo dhaceen Lubnaan.

Ma jiraan wax khasaare ah oo lasoo weriyey inay ka dhasheen duqeymaha, mana muuqato in Israel ay ku furmeyso furin cusub oo dagaal ah, xilli ay duqeymo ka wadaan Marinka Gaza. 

Waxay aheyd markii labaad oo muddo toddobaad gudihiis ah Israel lala beegsado duqeymo ka yimid Lubnaan. Saddex gantaal oo Khamiistii laga soo tuuray Lubnaan ayaga oo ku wajahan Israel ayaa ku dhacay badda Mediterranean-ka.

Israel ayaa 2006 dagaal la gashay ururka Xizbullah ee Lubnaan oo maamul Koonfurta dalkaas, islamarkaana haysta gantaallo horumarsan. Wixii markaas ka dambeeyey ma dhicin dagaal dhex-maray labada dhinac.