Maxkamadda ciidamada oo go’aan kasoo saartay kiiska dilkii Cabdixakiim Dhagajuun

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa go’aan rasmi ah kasoo saartay kiiska dilkii loo geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Marxuum Cabdixakiin C/raxmaan Ciise (Dhagajuun).

Maxkamadda ciidamada ayaa maanta oo Tallaado ah ku dhowaaqday xukunka lagu ridday eedeysanayaasha kiiskan oo loo heystay illaa 6 askari oo uu ku jiro taliyihii hore ee sladhigga Booliska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, Shuceyb Cabdi Maxamed.

Sidoo kale maxkamadeynta raggaan ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana horey xeer ilaalinta maxkamadda u sheegtay in dilka Dhagajuun uu ahaa mid si ula kac ah loo geystay, kuna ogaadeen baarista la sameeyay iyo warbixinada guddiga loo saaray dhacdadaasi.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur oo ku dhowaaqay go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in taliyihii hore ee booliska degmada Howlwadaag Gaashaanle Shceyb Cabdi Maxamed lagu ridday xukun 5-sanno oo xabsi ciidan ah, halka sidoo kale Dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi lagu xukumay 5 sano, kaas oo haatan baxsad ah, ayna ku raad joogaan saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in min labo sano xabsi ciidan ah lagu xukumay eedeysanayaasha kala ah Jamaal Isaaq Cali, Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmi Kaariye Cali, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waxa kale oo xabsiga usii dheer in ay bixiyaan magta (Diyada) marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhega-juun, Ibraahim Abuukar Cismaan & Liibaan Xasan Liibaan oo rasaasta lagu furay uu dhaawac kasoo gaaray.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun ayaa xilli habeen ah, gaar ahaan 21-kii Janaayo ee sanadkan 2021 lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu kasoo laabtay dalka Turkiga oo caafimaad loogu qaaday.