Ciidamada ITOOBIYA ee Somalia oo dagaalamay iyo Tigray-ga oo la beegsaday

Beledweyn (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaas ay dhexdooda dagaalameen kadib markii qaar ka tirsan la isku dayay in hub ka dhigis lagu sameeyo.

Xogaha la helay ayaa sheegaya in saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku sugan deegaanka Halgan la siiyay amar ah iney hubka ka dhigaan ciidamada xarunta ku sugan ee kasoo jeeda Tigray, taasna ay dhalisay isku dhac labada ciidan ah.

Laba askari ayaa la sheegay iney labada dhinac uga dhimatay is raasaaseynta oo socotay muddo badan, waxaana saldhigga ka socda hawlgal lagu xir-xiraayo askarta kasoo jeeda Tigray.

Inta la ogyahay ilaa iyo 300 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya jooga kana soo jeeda Tigray ayaa hubka laga dhigay, waana hawlgal soo socday tan iyo markii uu bilowday hawlgalka ay dowladda Itoobiya gacanta ugu soo dhigeysay gobolka Tigray.

Askarta hubka laga dhigay ee kasoo jeeda Tigray waxey ku sugan yahiin gobollada Bay iyo Bakool, balse qeybta gobolka Hiiraan waxaa ka dhashay khasaare.

Warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka ayaa werisay in Ethiopia ay Soomaaliya ka saartay 3,000 oo askari, kuwaasi oo dib loogu daad gureeyey dalkooda, si ay gacan uga gaystaan dagaalka lagu qaaday gobolka Tigray, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Si la mid ah Caasimada Online, Bloomberg waxay werisay in ciidamada la saaray aysan qeyb ka ahayn 5,000 askari ee Ethiopia ugu jirta howlgalka nabad ilaalinta ee Amisom.

Qorshahan ka dhanka ah saraakiisha Tigray-ga ayaa ah mid qoto dheer oo dhinac walba looga beegsanayo, xilli uu socdo dagaalka u dhaxeeya dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo gobolka Tigray-ga ee dalkaas.

Sababta loo saarayo saraakiisha iyo ciidamada Tigray-ga ayaa lagu sheegay inay tahay inaan la isku haleyn karin daacadnimadooda.