Diinsoor (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.
Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay sheegtay in dishay askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, sidoo kalena ay gubtay gaadiid dagaal, sida ay ku baahisay baraha bulshada.
Dhankooda ciidamada Itoobiya ayaa adeegsaday madaafiic, iyaga oo duqeeyay goobaha laga soo weeraray, waxaana ay sheegeen inay iska difaaceen maleeshiyada Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa sidoo kale saaka ka baxay saldhiggooda, iyaga oo kadib howlgallo ka sameeyay aagga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Illaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ee dagaalkan, marka laga tego sheegashada labada dhinac ee ku aadan weerarka iyo iska horimaadka xigay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamadaItoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.
Diinsoor ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Al-Shabaab oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhigyo ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah AUSOOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee jooga halkaasi.
Inta badan gobollo Baay iyo Bakool ayaa waxaa ka dhaca dagaallo iyo weeraro toos ah oo ay gaystaan maleeshiyada Khawaarijta oo go’doomin ku haya degaannada Koonfur Galbeed