Ciidamada ITOOBIYA iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku dagaalamay DIINSOOR

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada milatariga Itoobiya iyo kooxda Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Baay ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay ciidamadii ku sugnaa saldhigga iyo ragga weerarka qaaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale adeegsadeen madaafiic si weyn looga dareemay degmada Diinsoor iyo hareeraheeda.

Ilo dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in dhawaqa rasaasta iyo hubka culus si weyn looga maqlayay gudaha magaalada, maadaama ay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Itoobiya iyo Al-Shabaab.

Xaaladdda ayaa haatan ah mid deggan, waxaase lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiya ay haatan wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxaha weerarka soo qaaday.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa si toos ah uga qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaa ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada dalka, ayada oo uga jaawabeyso dagaallada haatan ku socda ee ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, kaas oo guullo laga gaaray.