Ciidamada Janan oo laga qaaday gaadiidka dagaal iyo xiisada degmada Doolow oo…

Doolow (Caasimada Online) – Waxa maanta xal kama dambeys ah laga gaaray xiisadii dagaal ee maalmihii u dambeeyay ka taagneyd degmada Doolow ee gobolka Gedo, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegen Caasimada Online.

Xiisada dagaal oo u dhaxeysay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay hore u geysay degmada Doolow iyo ciidamadii uu kal hore dowladda ku wareejiyay wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan, kuwaasi oo gadood xoogan ka sameeyay degmada.

Odayaasha dhaqanka degmada oo dhex-dhexaadin ka dhex bilaabay ciidamada kuwa sugan Doolow iyo dowladda federaalka ayaa ugu dambeyntii lagu dhameeyay in xerooyinkoodii ku laabtan, islamarkaana la siiyo xuquuqdoodii sida; mushaarka iyo gunnooyinkii ka maqnaa.

Sidoo kale waxa lagu soo waramayaa in ciidamada gadoodsanaa ee Janan laga qaaday gaadiidka dagaalka ee ay haysteen, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ay soo dhoobeen gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Korneyl Warfaa Sheekh Aadan Faroole, Taliyaha Guutada 10-aad Qeybta 43-aad ee gobolka Gedo ayaa dhankiisa ballan-qaaday inay xalinayaan tabashooyinka ay qabaan ciidamada, ayna ku laabteen xeryahoodii.

Waxa uu si weyn ugu mahad celiyay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Doolow, oo qeyb ka yihiin maamulka iyo saraakiisha ciidamada, kuwaasi oo uu sheegay inay kaalin muhiim ah ka ciyaareen xal ka gaarista xiisada taagneyd.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Doolow ee gobolka Gedo ka taagnaa xiisad u dhaxeeysay Ciidamada dowladda iyo kuwii uu dowladda ku wareejiyay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, kuwaasi oo ka gadoodsanaa inaysan helin xuquuqdii iyo mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xili ay maalmihii u dambeeyay soo baxayeen warar sheegaya in khilaaf xoogan uu ka dhex qarxay Cabdirashiid Janan iyo Farmaajo, inkasta oo arrinta khilaafka uu ka gaabsaday Janan oo shalay musharaxnimadiisa uga dhawaaqay magaalada Muqdisho.