Waa kuwee lixda hogaamiye ee ugu muhiimsan Taliban?

Kabul (Caasimada Online) – Taliban ayaa magaalada Kabul kula dagaalamaysay dowladda Afghanistan oo reer galbeedku taageeraan tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii 2001-dii.

Inta badan xubnaha Taliban ayaa asal ahaan ka tirsanaa dagaalyahannada loogu yeero “mujaahidiin” kuwaas oo taageero ka helayey Mareykanka si ay isaga caabiyaan ciidamadii Midowgii Soofiyeeti ee sanadkii 1980.

Kooxda ayaa waxay soo ifbaxday sanadkii 1994 iyagoo ka mid ahaa kooxihii dagaalladii sokeeye ku jiray, waxayna gacanta ku dhigeen inta badan dalkaas sannadkii 1996 markaas oo ay ku soo rogeen ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Daalibaan ayaa mar kale si militari ah u qabsatay xukunka dalka Afghanistan tan iyo markii ciidamada shisheeye bilaabeen inay ka baxaan, iyagoo qabsaday inta badan dhulka dalkaas.

Aasaasihii iyo hoggaamiyihii asalka ahaa ee ururkaan, Mullah Mohammad Omar ayaa la waayey meel uu galay kadib markii ay dowladdii Taliban afgambiyeen ciidamadii maxalliga ahaa oo ay taageerayeen Mareykanka wixii ka dambeeyey weerradii 11-kii September 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.

Aad ayey u qarsooneyd in la ogaado halka uu Cumar ku sugnaa, waxaana geeridiisa sanadkii 2013 xaqiijiyey wiilkiisa markaas oo dhimashadiisa laga joogay 2 sano, wuxuuna ku dhintay duqeyn ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen halkii uu ku dhuumanayey.

Waxaa jiro hoggaamiyeyaal muhiim ah oo ururkaan ka tirsan, waxaana warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa qaar kamid ah xubnaha ugu muhiimsan ururkaan.

Haibatullah Akhunzada

Waxaa loo yaqaan “Hoggaamiyaha Mu’miniinta”, waa nin aad u bartay Diinta Islaamka, waana hoggaamiyaha ugu sarreeya Taliban, wuxuuna hayaa awoodda ugu dambeysa ee arrimaha siyaasadda, diinta iyo milatariga kooxda.

Akhunzada ayaa xilka la wareegay kadib markii hoggaamiyihii ka sareeyey ee Akhtar Mansuur lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ku qaadeen meel u dhow xadka Afghanistan iyo Pakistan sannadkii 2016-kii.

Muddo 15 sano ah oo la weysanaa ayuu si lama filaan ah usoo muuqday bishii Maajo ee sanadkii 2016, Akhunzada wuxuu wax ku bari jiray oo uu ku wacdi jiray masaajid ku yaal Kuchlak, oo ah magaalo ku taal koonfur-galbeed ee Pakistan, sida ay Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegeyn saaxiibadiis iyo ardaydii uu macalinka u ahaa.

Akhundzada uma muuqdo inuu raacayo raadka madaxdii uga horreysay ee hoggaanka Taalibaan, gaar ahaan Mullah Mansoor iyo Mullah Cumar, kuwaas oo aaminsanaa in wax walba lagu helo qori caaraddiis.

Fikradda uu aaminsan yahay awgeed, markii hore waxaa loo arkayay nin qalalaasaha jecel oo aan oggolaan doonin wax wada xaajood ah oo ku qotama aragtida Taalibaan, hase yeeshee xaaladdaas wax badan ayuu ka badallay, diyaar ayuuna u ahaa inuu la fariisto dhinacyada ka soo horjeeda.

Inkasta oo uu leeyahay mayal-adeyg dhinaca diinta ah, haddana waxaa la sheegay in uu aaminsan yahay in siyaabo kale wax lagu xalliyo inta aan dagaal la gaarin.

Mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee uu Akhundzada aaminsanaa in khilaafka lagu xalliyo “wada-hadal siyaasadeed”, taasi oo si weyn u soo muuqatay bilihii la soo dhaafay.

Bishii July, 2021, kooxda Taalibaan waxay miiska wadahadalka la fariisteen madaxda dowladda Afghanistan oo ay ku kulmeen magaalada Dooxa, tallaabadaas oo muhiim u ahayd hannaanka nabadda ee dalka Afghanistan.

Waxaa la sheegaa in Akhundzada uu la dagaallamay ciidammadii Midowga Soofiyeet iyo ciidammada isbahaysiga ee uu Mareykanka horkacayay ee ku sugan Afgaanistaan, waxa uuna madax ka soo noqday maxkamadda militariga ee Kabul, intii dalkaas uu xukumayay ninka Taalibaan aasaasay ee Mulla Cumar.

Inta uu hoggaaminayay ururka Taalibaan, Akhundzada waxa uu ururkaasi heshiis nabadeed Mareykanka kula galay waddanka Qatar 29-kii bishii Febraayo ee 2020-ka, iyadoo Akhundzada uu heshiiskaasi ku tilmaamay “guul wayn” oo ururka u soo hooyatay.

Tan iyo kowdii May 2021, Taalibaan waxa ay sare u qaadday howlgalladeeda militari ee ka dhanka ah xukuumadda, waxayna qabsadeen deegaanno ballaaran oo ka tirsan Afgaanistaan.

Hebatullah waxa uu dhashay 19-kii Oktoobar sannadkii 1961, sida lagu sheegay taariikhdiisa lagu shaaciyay barta internet-ka ee rasmiga ah ee ururka Taalibaan. Waxa uu ku dhashay degmada Bajway ee gobolka Gandahaar, wuxuuna ka soo jeedaa qowmiyadda Bashtuuga.

Ma jirto cid sheegi karta halka uu sida rasmiga ah ugu sugan yahay hoggamiyahaan.

Mullah Mohammad Yaqoob

Waa wiilka uu dhalay aasaasaha Daalibaan Mullah Cumar, wuxuuna dusha kala socda hawlgalada milateri ee kooxda, waxayna warbaahinta maxalliga ahi sheegtay in uu ku sugan yahay gudaha Afghanistan.

Waxaa loo soo jeediyay inuu noqdo hogaamiyaha guud ee dhaqdhaqaaqa, laakiin wuxuu soo jeediyey in xilkaas loo dhiibo Akhunzada sanadkii 2016, isagoo dareensanaa inuusan laheyn khibrad dhanka dagaalka ah, maadaama uu ahaa wiil yar sida uu sheegay taliye ka tirsana Taliban oo ku sugnaa goobta lagu doortay Akhunzada   .

Mullah Yaqoob ayaa la rumeysan yahay inuu jiro da’da 30-meeyada.

Sirajuddin Haqqani

Waa wiilka taliyaha caanka ah ee Taliban Jalaluddin Haqqani, wuxuuna hadda hoggaamiya Shabakadda Haqqani, oo ah koox kormeerta hantida maaliyadeed iyo milatari ee Taalibaan ee xuduudda Pakistan iyo Afghanistan.

Kooxda Haqqani ayey khubarada qaar aaminsan yihiin inay tahay kooxdii dalka Afgaanistaan ka bilowday isqarxinta, waxaana lagu eedeeyay dhowr weerar oo waaweyn oo ka dhacay Afgaanistaan, oo ay ka mid yihiin weerar lagu qaaday hotelkii ugu sarreeyey ee Kabul, isku day dil oo lala damacsanaa madaxweynihii xilligaas Xamiid Karzai iyo weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Safaaradda Hindiya.

Haqqani waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhow yahay da’da 40 ama inuu galay da’da 50-meeyada. Lama oga halka uu ku sugan yahay.

Mullah Abdul Ghani Baradar

Baradar oo ka mid ah aasaasayaashii Daalibaan, ayaa hadda madax ka ah xafiiska siyaasadda ee Daalibaan, wuxuuna qayb ka yahay kooxda wada-xaajoodka ee Doha si ay isugu dayaan una galaan heshiis siyaasadeed u gogol xaari kara xabbad-joojin iyo nabad waarta oo ka dhalata Afgaanistaan.

Wada-hadalada siyaasadeed oo ay kooxdaan ka shaqeeneysay ayaa u muuqda inuu fashil kusoo dhammaaday bishaan, kadib markii ay kooxda si xoog ah kula wareegtay awoodda iyo xukunka dalka Afgaanistaan.

Baradar oo la sheegay inuu ka mid ahaa taliyayaashii uu aadka ugu kalsoonaa Mullah Cumar ayaa waxay ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen sanadkii 2010 xilli uu ku sugnaa magaalada Karachi ee koonfurta Pakistan, waxaana la sii daayay sanadkii 2018.

Sher Mohammad Abbas Stanikzai

Wuxuu soo noqday wasiir ku xigeen xilligii dowladdii Daalibaan ka hor intii aan la afgambin, wuxuuna ku noolaa Doha ku dhawaad toban sano, waxa uu madax ka noqday xafiiska siyaasadda kooxda sanadkii 2015.

Sidoo kale waxa uu ka qeyb qaatay wada xaajoodyadii lala galay dowladda Afgaanistaan, wuxuuna wakiil uga ahaa Taalibaan safaro diblomaasiyadeed oo uu ku tagay dalal dhowr ah.

Abdul Hakim Haqqani

Waa madaxa kooxda wada xaajoodka Taliban, wuxuuna madax u ahaa golaha awoodda badan ee culumada diinta ee kooxdaan, waxaa si weyn loo rumeysan yahay inuu yahay qofka uu aadka u aaminsan yahay hoggaamiyaha kooxdaan ee Akhunzada.