Ciidamada JUBBALAND oo fashiliyay weerar qarax ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen gudaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan ayaa waxa ay ciidamada ammaanka ku fashiliyeen qarax miino oo la dhigay qaybo mid magaaladaas oo uu ka socdo abaabulka dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in miinada lagu aasay mid kamid ah waddooyinka ugu muhiimsan degmada Dhooleey, balse ay ka war heleen ciidamada kadibna ay qarxiyeen.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay qaraxaasi la damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, balse ay ka hortageen.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay xo ka heleen dadka deegaanka, taas oo keentay in lagu guuleysto fashilinta weerarkaasi qarax ah.

“Ciidanka amniga Jubbaland ee degmada Dhoobley ayaa fashiliyey miino ay kooxda Khawaarijtu qorshaynayeen in ay ku dhibaateeyaan bulshada degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka Jubbaland.

Hay’adaha ammaanka ee Jubbaland ayaa sidoo kale u mahadceliyay shacabka, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada Dhoobley.

Jubbaland ayaa waxaa haatan ka socday diyaar garow xoogleh oo ku aadan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka filayo inuu dhawaan ka billowdo gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.