Ciidamada kacdoonka oo la wareegay degaan muhiim oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelllaha Dhexe.

Deegaanka ay maanta la wareegeen ciidamada huwanta ah ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku sugnaa kooxda Al-Shabaab, ayada oo maalmihii la soo dhaafayna laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Saraakiisha ciidamada deegaanka ee howl-galka hogaaminayay ayaa dhankooda sheegay inay si nabad-gelyo ah kula wareegeen Ceelbaraf, kadib markii ay isaga baxeen xubnihii Shabaabka ahaa ee ku sugna

“Markii aan tagnay Ceelbaraf waxaa ku aragnay duruufo badan oo heysta bulshada deegaanka oo dhowrkii billood ee lasoo dhaafay ay maamulayeen nimanka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Kabtan Abuukar Axmed Cabdulle (Taqile) oo kamid ah saraakiisha ciidamada deegaanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ciidamada wadaan howl-galo ay ku raad-joogaan dagaal-yahaanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee isaga baxay deegaanka Ceelbaraf, ayna sii wadi doonaan howl-galada.

Toddobaad ka hor unbey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa xoreynta deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe ee loo yaqaano Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen deegaanka maanta ay la wareegeen ciidamada huwanta ee ka kooban kuwa dowladda iyo deegaanka.

Howl-galada ayaa imaanaya xili dhawaan deegaanka Miirtaqwo oo u dhow Ceelbaraf lagu soo bandhigay ciidamo deegaanka ah oo hubeysan, kuwaasi oo sheegay inay diyaar u yihiin la-dagaalanka Al-Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaato ku hayaan dadkooda.

Si kastaba, Waxaa toddobaadyadii tegay uu gaabis ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka, taasi oo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu tago furimaha dagaalka, si uu u dhiiri-geliyo ciidamada.