Daawo: Macawiisley 5,000 dollar ku helay dilka horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka oo uu horkacayay Gaashaanle dhexe Muqtar Xasan Tifoow Shaah-macabe ayaa maanta lacag dhan 5-kun oo dollar guddoonsiiyay xubno ka mid ah ciidamada Macawisleyda ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Lacagta abaal-marinta ah oo uu guddoomay Maxamed Maalin Janaqow oo ka mid ah xubnaha afarta ah ayaa waxay ku muteysteen dilka mid kamid ah horjoogayaasha Shabaab, oo toddobaadkii hore ay ku dileen weerar ay ku qaadeen degmada Ceelbaraf.

Horjoogaha la dilay ayaa sida la sheegay waxa uu xiligaasi ku howlana qaadista lacagaha baada ah ee Al-Shabaab, kuwaasi oo uu ka aruurinayay shacabka deegaankaasi.

“5-kun oo dollar waa haysataan, waad leedihiin afartiina Nin ee soo dilatay ayaa iska leh. Nin madax ah (oo ka tirsan Khawaarijta Shabaab) ninkii soo dila waxa uu leeyahay Shan kun oo dollar. Hore ayaa loo ballan-qaaday, haddana haddii aad u soo noqotaan waa diyaar,” ayuu yiri Gaashaanle dhexe Muqtar Xasan Tifoow.

Abaal-marinta lacageed ayaa qeyb ka ah dhiiri-gelinta ciidamada ku jira dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, ayada oo hore sidan oo kale kumanaan dollar loo guddoonsiyay askar soo dishay xubno iyo horjoogayaal Shabaab ah.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo la rumeysan yahay in uu ahaa masuulkii bilaabay abaal-marinta noocan ah ayaa waxa uu hore fagaare ku taalla degmada Maxaas ku bixiyey lacag dhan 10-kun oo dollar.

Cali Jayte ayaa lacagtaas ku wareejiyey askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, ayada oo ragga lacagta la siiyey xiligaasi ay xubnaha Shabaabka ah ku dileen degaanka Moqokori oo howl-gal qorsheysan ay ka fuliyeen.