Wararkii ugu dambeeyey weerarka Villa-Rosa iyo booliska iyo Al-Shabaab oo war kasoo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotelka Villa-Rosa oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo godka Jilicow ee xayn-daabka madaxtooyada, waxaa ka soconaya weerar toos ah oo koox ka tirsan Al-Shabaab ay ku soo qaaday.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo waaweyn, waxaana Hotelka iyo hareerihiisa degan wasiirro, xildhibaano iyo masuuliyiin aad u badan oo ka tirsan dowladda.

Warar ay tebisay warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa sheegaya in wasiirka amiga Soomaaliya Axmed Doodishe uu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay weerarkaan, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin karo.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegtay in wasiirka amniga uu dhaawac soo gaaray, kooxdu intaas ku sii dartay in dagaalyahano fuushan qeybaha kore ee Hotelka ay duqeynayaan madaxtooyada qaranka.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Caawa fiidkii ayaa koox Khawaarij ah waxay weerareen Hoteel Ganacsi oo ku yaalla degmada Boondheere. Ciidamada Amniga ayaa wada hawlgal lagu soo afjarayo weerarka Khawaarijta. Waxaa goobta laga badbaadiyay dad isugu jira Shacab iyo masuuliyiin. Wixii faahfaahin dib ayaan idin kala wadaagaynaa.”

Rasaas si teel-teel ah u dhacaysa ayaa laga maqlayaa aagga uu ku yaalla Hotelka la beegsaday ee Villa-Rosa.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online