WASIIRKA difaaca oo dalab culus u gudbiyey ciidanka Danab ee Kismaayo + Video

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maalin ka hor gaaray magaalada Kismaayo, wuxuuna saacadihii lasoo dhaafay tegay xerada ciidamada Danab ee duleedka Kismaayo, halkaas oo warbaahinta uu kula hadlay.

Wasiirka ayaa ciidanka iyo saraakiisha Danab kula dardaar inay u diyaar garoobaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab oo dhawaan ka bilaaba doona deegaanada Jubbaland.

Wasiir Jaamac ayaa ciidanka iyo saraakiisha warbixin ka siiyey jabka kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyey dagaallada ka socda gobollada dalka, kuwaas oo ka dhashay kacdoonka bulshada.

Wasiirka ayaa ciidanka u sheegay in shacabka dagaalamaya ay muhiim tahay inay ayagu hor kacaan, maadaama ay u soo tababarteen xoreynta iyo difaaca dalka, u dhaarteen, mushaarna ku qaataan.

“Intii dagaalkaani uu socday Shabaab waxaa ka dhimatay ugu yaraan laba kun oo qof, dhibkaas waa ku sii bada doonaa Khawaarijta, waxaan fariin u dirayaa wiilasha Soomaaliyeed ee la qalday, war isaga soo taga dhiigya cabka idin sirtay,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wiilasha hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab aysan dagaalamin, taas bedelkeedana ay dunida jaamacado ka dhigtaan ama nolol fiican oo amni ah ay ku noolyihiin.

“War wiilasheenow isaga soo taga nimankaas oo mustaqbalkiina u naxa, hadaa diidaan baaqeena, baqtigiina ayaan subax kasta wari doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Jaamac.

Hoos ka daawo