28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Ciidamada Kenya oo digniin la siiyay inta doorashada Soomaaliya ay socoto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo(Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya oo tagay magaalada Kismaayo ayaa digniin siiyay ciidamadooda ku sugan magaaladaasi inta doorashooyinka ay socdaan.

Samson Mwathethe oo ah taliyaha guud ee ciidamada difaaca Kenya iyo Xoghayaha Difaaca ee Xukuumadda Raychelle Omamo ayaa tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Labada masuul ayaa kulamo kula qaatay magaalada Kismaayo saraakiil horkaceysa ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga, waxayna kaga digeen ineysan fara gelin siyaasada Soomaaliya.

Saraakiisha waxay sheegeen in ciidamadooda Soomaaliya ka saarayaan marka ay dhacdo doorashada Kenya sanadka 2017.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Kenya Samson Mwathethe iyo Xoghayaha Difaaca ee Xukuumadda Raychelle Omamo ayaa sidoo kale xusuusiyay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya dhibaatooyinkii ay kala kulmeen Soomaaliya intii ay joogeen

Taliyaha Guud ayaa digniinta gaarka ah siiyay ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga, isagoo ka codsaday ineysan cid gaar ah la safan inta doorashooyinka socdaan, ayna gutaan waajibaadkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News