Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dhawaqa qaraxa oo laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka dhacay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Wararka kasoo baxaya qaraxa ayaa sheegaya inuu ahaa mid dhulka lagu aaday, halka warar kala duwan ay kasoo baxayaan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ay qarxiyeen qaraxa miinada oo la dhigay maqaayad isgoyska ku taala.
Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, waxaase qaraxa kadib la bilaabay daad gureynta dadka waxyeelada kasoo gaartay.
Dhinaca kale kooxo hubeysan ayaa dilal ka geystay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Labo ruux ayaa lagu dilay suuqa weyn ee degmada Wadajir, kuwaasi oo goobta ku sugnaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

