Ciidamada Kenya oo soo buuxiyay xadka Gedo xilli Jubaland ka cabatay Itoobiya

Ceel Waaq (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa waxay ciidan xoogan soo dhoobtay xuduuda Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyadoo dhinaca kalena aan la garanayn ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa soo dhoobashadooda halkaasi.

Ciidamada Militariga Kenya ayaa waxaa Axadii si aan horey loogu arki jirin loogu arkay xuduuda Degmada Ceelwaaq, halkaasoo la soo sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadaan.

Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay garab iyo gaashaanba u yihiin Madaxweyne Ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo maalmihii la soo dhaafay ku xanibnaa Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Wararka ayaa waxay sheegayan in Madaxweyne Ku-xigeenka loo diiday in uu gudaha u galo qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo, ka dib markii Masuuliyiinta Degmooyinkaasi lagu khasbay inaanay la shaqayn Jubbaland.

Jubaland ayaa ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka ahayn Amisom ku eedeysay inay awood ku maquuninayaan gobolka, ayaga oo taageersan dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Maamulka Jubbaland ayaa waxay Maamulada Degmooyinka Gobolka Gedo ku amartay inaanay la shaqayn Jubbaland, iyadoo qaar ka mid ahna ayba u hoggaansamayn.

Madaxda Jubbaland ayaa waxay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen inay xaalad ka abuurtay Gobolka Gedo, ka dib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itooviya ay u carbisay inay ka shaqeeyan, sidii gobolkaasi uu uga madax bannaanaan lahaa Jubbaland.

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle), Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa dhankiisa waxaa uu Ciidamada Kenya ku eedeeyay inay weligoodba gaashaan u ahaayeen Maamulka Jubbaland.