Cumar Filish oo fariin u diray culimada Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka qeyb galayey munaasabad ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho ayaa fariin culus u diray Culimada Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay Culimada in ay sii dardar geliyaan wacyigelinta iyo ilaalinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu baaqayaa culimadeenna sharafta badan in ay horseed u noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.”ayuu yiri Filish oo ka qeyb galayey xaflad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Sidoo kale wuxuu ku booriyey Sheekha iyo wafdigiiga sida ay ugu soo gurmadeen walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale ee gobollada Hiiraan iyo Baay.

Ugu dambeyn Cumar Filish ayaa ballan qaaday in Culimada Soomaaliyeed ay ka maamul ahaan ku garab istaagi doonaan wacyigelinta oo muhiim u ah bulshada.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay la baajiyey Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qaban lahaa magaalada Muqdisho, kadib markii uu khilaaf hareeyey khudbadaasi.