Kulamadii lagu xalinayey hoggaanka Ahlu Sunna oo fashil ku dhammaaday

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxay kulamo u dhexeeyey hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca iyo guddi ganacsato reer Galmudug ah oo dhowaan ka ambabaxay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Kulamadan oo ka qabsoomay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda Galmudug, gaar ahaan tabashada ay qabto Ahlu Sunna, si loo guda galo dhismaha wejiga labaad ee maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulamada labada dhinac, iyadoo guddiga ganacsataduna ay dib ugu soo laabteen Muqdisho.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in hoggaanka Ahlu Sunna ay hordhigeen ganacsatadaasi inay ku qanci karaan kaliya heshiiskii ay horay ula galeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ahaa in 35 xildhibaan laga siiyo baarlamaanka cusub.

Ilo ku dhow shirarkaani ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyey in guddigii ganacasatada ee ka baxay magaalada Muqdisho ay ku guul dareysteen inay Ahlu Sunna qanciyaan, islamarkaana aysan jirin wax natiijo ah oo labada dhinac ay ku gaareen kulamadaasi.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dooneysa in la yareeyo xubnaha ay Ahlu Sunna ku yeelaneyso baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo dowladdu ay rabto in la siiyo 15 xildhibaan.

Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, waxaana hakad ku jira howlaha dhismaha ee maamulkaasi oo dhowaan galaya doorasho guud.