Ciidamada Korneel Masdile oo soo weeraray Muqdisho, qabsadayna xarun degmo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 4 askari oo boolis ah ayaa ku dhintay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaana laga qaatay hubkii ay wateen kadib markii ay weerar kusoo qaadeen ciidamo Milateri ah oo ay ishayaan dowladda federaalka.

Ciidanka Milateriga ah ayaa sidoo kale galay guriga guddoomiyaha degmada Kaaraan (Abshir Kaaraan) iyo xarunta degmada Kaaraan, waxaana la sheegay inay ka waayeen Abshir Kaaraan.

Ciidankaan Milateriga ah ee weerarka fuliyay oo wata gaadiidka dagaal iyo ciidan badan ayaa ka amar qaata Korneel Maxamuud Maxamed Masdile, oo 20-kii bishaan gurigiisa ay weerareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, oo doonayey inay soo qabtaan.

Ciidanka booliska ee ku sugnaa xarunta degmada Kaaraan ayaa ka cararay xarunta, ayada oo muddo kooban ay qabsadeen kuwa Masdile. Ciidankan Korneel Masdile ayaa hadda dib uga gurtay xarunta, waxayna ku laabteen oo ay isku fidiyeen xaafado ka mid ah Kaaraan.

Ciidanka weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale la sheegay in ay kor ka ilaalinayeen ciidamo kale oo ka amar qaata saraakiil kale oo ay dowladda baadi goobeyso, kuwaas oo lagu magacaabo Cusmaan Xaadoole iyo Abuukar Boonow.

Arrintaan ayaa la xariirto qulqulatooyin maalmahan ka taagnaa waqooyiga Muqdisho, iyo isku day ay dowladda dooneyso inay kusoo qabato afar sarkaal, kuwaas oo haysta ciidan iyo hub badan.

Xaaladda degmada Kaaraan ayaa hadda qasan waxaana ka taagan cabsi xoogan.
Saraakiishaan ka tirsanaa Milateriga Soomaaliya ee maanta weerarka soo qaaday ayaa wata gaadiid dagaal, ciidan iyo hub farabadan, waxaana laga cabsi qabaa inay kusoo faafaan degmooyin kale.

Korneel Masdile ayaa hore u sheegay inuu ka aarsan doono kadib weerarkii gurigiisa ay ku qaaday dowladda, isagoo sidoo kale sheegay in dalka u baahan-yahay dib u xoreyn ka dhan ah dowladda oo uu ku eedeeyay sharci ku tumasho.