Guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka oo soo saaray jadwal doorasho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ee lagu muransan-yahay ayaa soo saaray jadwalka doorashada soo socota ee 2020/21, gaar ahaan kuwa aqalka sare iyo golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa shaaciyey in diiwaan-gelinta musharaxiinta doorashada aqalka sare ay bilaabaneyso 26-ka bishan December, iyaga oo fursad lix cisho ah siiyey sidii ay madaxda maamulada dalka kusoo saari lahaayeen liiska musharaxiinta, taasi oo ku eeg isla 29-ka bishan.

Qoraalka ay soo saareen guddiga ayaa lagu sheegay in lasoo hormarinayo doorashada xildhibaanada golaha aqalka sare oo ay qabanayaan baarlamaanka dowlad goboleedyada dalka, sida ku cad habraaca doorashada iyo heshiiska golaha wada-tashiga qaran.

Sidoo kale waxay sheegen guddigu in 31-ka bishan December ilaa 6-da Janaayo ee sanadka cusub ee 2021 ay kusoo dhameystiri doonaan doorashada kuraasta golaha aqalka sare

“Guddiga isagoo tix raacaya qoddobada heshiiska 17-kii September 2020, wajibaadkiisa shaqo ee uu Golaha wada-tashiga qaran siiyeyna gudanaya si ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, wuxuu maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka December shaacinayaa taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka aqalka sare iyo golaha shacabka ay dhacayaan” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen guddiga.

Waxa kale oo lagu yiri “Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed waxay sidoo kale 7-da Janaayo 2021 guda galayaan diiwaan-gelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshda rayidka ah ee ka qeyb galaya xulista ergooyinka doorashada kuwaas oo lagu faah-faahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada”.

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dhamaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka inay si hufnaan leh uga wada qeyb qaataan tartanka doorashada, iyagoona soo jeediyay in kor-joogayaasha gudaha iyo dibedda ay qaataan doorkooda ku aadan la socoshada sida doorashooyinka u dhacayaan, si loo xaqiijiyo hufnaanta hanaanka doorashada dalka.

“Waxaan rajeynaynaa in beelaha Soomaaliyeedna ay kaalintooda ka qaataan howlaha doorashada, xulista ergooyinka iyo ka qeyb-galka tartanka kuraasta labada aqal, iyada oo laga fogaanayo dhamaan wixii khilaafaad keeni kara.

Arrintan ayaa imanayesa xili uu meel sarre marayo khilaafka ka dhashay doorashada ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka oo iyagu gebi ahaanba qaadacay guddiga maanta ku dhawaaqay jadwalka doorashadal, waxyna uga sii dareysa xiisada ka dhalatay doorashada.