Filish oo soo saaray digniin, kuna baaqay arrin laga digay oo la xiriirta mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Maxamuud  Maxamed (Filish) oo sidoo kale ah duqa caasimada, ayaa si adag uga hadlay dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka ee ku aadan xiisada ka dhalatay arrimaha doorashooyinka oo xiligan xaalada cakiran ka abuuray dalka.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aysan xiligan awoodi karin fowdo iyo kicin dadweyne, hase yeeshe loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo nabad-gelyada caasimada.

Sidoo kale waxa uu xubnahaas ku sifeeyay kuwo diidan dowladnimada Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in shacabku uu kala hortago kacdoon ka dhan ah, taasi oo hore looga digay.

“Shacabka gobolka Banaadir, iyaga ayaa laga rabaa inay jawaab ka bixiyaan hadallada kasoo yeeraya kuwa diidan dowladnimada ee dhahaya waxaa loo laabanayaa 1991-dii, waxaa loo baahan yahay in shacabku uu dhar-baaxyo xoogan ku dhufto kuwaas doonayo in la dumiyo dowladnimada la haysto,” ayuu yiri.

Filish ayaa hore sidan oo kale u sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan mucaaridka hadey isku dayaan inay xasilooni daro amni abuuraan, isagoona shacabka ugu baaqay xiligaas in la dilo mucaaradka, taasi oo uu dilkooda qiil uga dhigtay Aayado qur’aan ah oo jira Suratul Axzab.

Guddoomiyaha oo u muuqda mid si weyn uga carooday dhaq-dhaqaaqyada mucaaridka iyo siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin ka wadaan magaalada Muqdisho, ayaa muddooyinkii dambe ku dhawaaqayey hadalo qatartooda leh, kuwaasi oo ay cawaaqibtooda ka digeen musharaxiinta mucaaridka.