Ciidamada musharaxiinta oo la wareegay agagaarka KM4 iyo amniga Hotel Afrik

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Midowga Musharaxiinta ayaa caawa la wareegay agagaarka Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho, iyo sugidda amnigiisa, halkaasi oo uu caawa ka dhacay shir xasaasi ah oo ay lahaayeen.

Ciidamada oo sugayey ammaanka Musharaxiinta ayaa xiray wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan eeriyada isgoyska KM4, waxaana gaadiid dagaal oo ay wateen la dhigay wadada aada dhanka garoonka diyaaradaha.

Ciidamada ayaa dadka iyo gaadiidka u diidayey inay isticmaalaan wadooyinka soo gala Hotelka, waxayna arrintan ku soo aadeysaa iyadoo dhawaan ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay hor istaageen xaflad uu Hotelkaas ku dhigan lahaa Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah musharaxiinta.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in musharaxiinta ay ka war heleen suurta-galnimada ah in dowladda ay ciidan usoo dirto hotelkaas, islamarkaana ay isku daydo inay joojiso kulanka musharaxiinta.

Shirka caawa ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xal u helidda xilligan kala guurka ah, xaalada siyaasadeed ee dalka, iyo jawaab ka dhan aheyd jadwalka doorasho ee ay saareen guddiga ku xiran dowladda waxaana ka soo qeyb galaya qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.