Ciidamada LIYUU BOOLIS oo fal argagax leh ka geystay Gal-Gaduud iyo wararkii ugu dambeeyey

Gal-Gaduud (Caasimada Online) – 18 qof oo ku soo barakacay dagaalada ka soconaaya xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya, ayaa waxaa maanta lagu dilay Gobolka Galgaduud, iyadoo ay dadkaasi dileen Ciidamada Liyuu Boolis.

Cumar Shire Yuusuf oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Galgaduud, ayaa waxa uu Ciidanka Liyuu Boolis uu ku eedeeyay, inay si ula kac ah u dileen dad ka soo barakacay dagaalada xadka.

“Ciidanka Liyuu Boolis oo ku hubeysan gaadiidkii iyo hubkii Dowladda Itoobiya waxay 18 ruux, oo odayaal, dhalinyaro iyo dumarba leh ku dileen deegaanada Toosan-dheere iyo Waraabaale.” Ayuu yiri Cumar Shire Yuusuf.

“Dhammaan dadkaan la laayay waa kuwii ka soo barakacay dagaalada xadka, waxaana maanta lagu laayay gudaha Gobolka Itoobiya. Dowladda Itoobiya waxaa laga rabaa inay si deg deg ah wax kaga qabato.” Ayuu yiri Shire.

Sidoo kale Nabadoon Xuseen Mire Siyaad oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolka Galgaduud, ayaa wuxuu Dowladda Federalka Somaliya uu ugu baaqay inay ka hadasho dadka lagu beegsanaayo Gobolka Galgaduud.

“Dowladda Somaliya waa inay dhiig is gelisaa, kana hadashaa waxaan ku soo kordhay Gobolka Galgaduud, dadkeedii weeye waxaan Gobolka lagu laynaayo.” Ayuu yiri Nabadoon Xuseen Mire Siyaad.

Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya, ayaan war rasmi ah ka soo saarin dagaalada ka sii soconaaya xadka, xilli dad badani oo rayid ah ay ku waxyeeloobayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com