Daawo Sawirrada: Imaaraadka oo ISBITAL casri ah ka dhisay Muqdisho + Xasan Sheekh oo furay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jarey isbitaal cusub oo casri ah oo laga dhisey magaalada Muqdisho.

Isbitaalkan waxaa dhismihiisa maalgeliyey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana loogu magac darey Sheikh Zayid Bin Sultan Al Nahyan oo ah Madaxweynihii hore ee dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku ammaaney dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana xaruntan cusub ay faa’ido badan u leedahay shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan mar kale mashruuc ballaaran oo ay Soomaaliya ka hirgeliyeen walaalaheena Imaaradka Carabta aan Muqdisho ka furo. Isbitaalkan casriga ah waxaa uu u adeegi doonaa shacabkeena, waxayna kaga maarmi doonaan adeegga caafimaad ee ay dibadaha u doonaan jireen’’.

Munaasabaddaasi waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamanka, Mudane Mahad Cawad, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

furid 1furid 2furid 3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com