“Waxaa soo shaaca baxay laaluushkii mudo lagu xaman jiray Prof. JAWAARI” Waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka tirsan BF Somalia oo gadaal ka riixaaya Mooshinka laga keenay Baarlamaanka Jubba ayaa iyagu aaminsan in fashilinta Mooshinkaasi uu dhaqaale adag ku qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan C/llahi Maxamed oo kamid ah kuwa daadihinaaya Mooshinka ayaa sheegay in Gudoomiyaha BF uu dhaqaale adag ku qaatay fashilinta Mooshinka horyaala BF, waxa uuna cadeeyay in Jawaari uu afka saliid u mariyay tiro xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo iyagu kuwa kale ku tashkiilinaayo inaysan soo xaadirin fadhiga.

Jawaari ayuu sheegay inuu kala geynaayo Xildhibaanada BF, waxa uuna tilmaamay in Madaxweyne Xassan uu isna qeyb lixaad leh ka qaadanaayo fashilinta Mooshinka, balse taasi aysan niyad jab ku ridi doonin hamiga lagu hirgalinaayo Mooshinka.

‘’Wey naga go’an tahay in la hirgaliyo Mooshinka xitaa hadii ay kasoo wareegto sanad. Dhowr wareeg oo la fashiliyo Mooshinka hoos u dhac naguma keeni doonto xili hore ayaan kusoo talo galnay inaan dulqaad muujino’’

Xildhibaan C/llahi sababta loo fashilinaayo Mooshinka ayuu ku sheegay inay tahay tirada Xildhibaanada Mooshinka wada oo sii kordheysa taasina ay dhalisay in dhaqaale lagu bixiyo fashilinta Mooshinka.

Madaxweyne Xassan iyo Jawaari ayuu ugu baaqay inay faragalinta ka joojiyaan Mooshinka lagu saxaayo Masiirka qabaa’ilada ku hoos nool Maamulka Jubba.

Geesta kale, Xildhibaanada isbaheystay oo uu isagu kamid yahay ayuu ugu baaqay inay sii laba jibaaran Mowqifkooda ku aadan Mooshinka Jubba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com