Ciidamada Liyuu Boolis oo laayay dad SHACAB ah iyo xiisad culus oo ka dhalatay

Muqdisho (Caasimad Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad cakiran ay ka taagan tahay deegaanada xuduuda goboladaasi, gaar ahaan deegaanka garasle ee hoostaga dagmada lababaar oo ku yaalla xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida

Ciidamada Liyuu boolis ayaa toogasho ku dilay dad shacab ah oo ku noola deegaankaasi, midaasi oo dhalisay xiisad hor leh oo xoogan.

Liyuu booliska ayaa toogtay dadkaasi shacabka ahaa kadib markii uu muran xoogan dhex-maray dadka deegaanka Garasle oo iyagu ka horyimid talaabooyin ay ku kaceen ciidamadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Liyuu boolisku ay si ula kac ah ay u duugeen dhowr barkadood oo dadka deegaanka Ismadhaqo iyo xooluhuba ay ka cabi jireen biyaha.

Talaabadaasina ayaa horseeday inay qaraxdo xiisada ka dhex oogan dadka deegaanka iyo ciidamada Liyuu booliska, iyada oo ay bilowdeen abaabulka maleeshiyaad lagu xoojinayo dagaalka kala dhaxeeya ciidamdaaasi.

Waxaana laga dareemaya deegaanadaasi saan-saanta colaad hor leh iyo xiisada ka dhex oogan ciidamada Liyuu booliska iyo dadka deegaanka oo isku abaabulay qaab maleeshiyaad hubeysan ah.