Safiirkii Jaamacada Carabta u joogay Soomaaliya oo ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday safiirkii Jaamacadda Carabta u qaabilsanaa arrimaha dalka Soomaaliya, Danjire Xamuud Samraan Al-Xuwayti.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Xuweyti uu ku soo booday xanuun deg-deg ah, kadibna uu geeriyooday markii la geeyey xarun caafimaad.

Ma jirto illaa iyo hadda faah faahin intaasi ka baxsan oo laga bixiyey geerida ku timid, Allaha u naxariistee Marxuum Xamuud Al-Xuweyti.

Sidoo kale waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Janadiisa Firdowso.

Soomaaliya ayaa xubin fir-fircoon ka ah Jaamacadda Carbta, iyada oo ka mid noqotay sanadkii 1974-tii, waxaana ururkan ku mideysan wadamo badan oo Carbeed.