Ciidamada NISA oo xiray weriye Cabdullahi Kulmiye kadib wareysi ‘halis ahaa’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada NISA ayaa xalay Muqdisho ku xiray weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadoow oo ka tirsan idaacadda Kulmiye, kaasi oo qaaday wareysigii lala yeeshay Abuukar Cumar Cadaan ee uu ku teegeeray Al-Shabaab.

Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Cabdullaahi Kulmiye ayaa waxaa loo haystaa inuu faafiyey wareysi khatar gelin kara amniga ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, iyo inuu faafiyey hadallada qof taageersan Al-Shabaab.

Wareysiga muranka dhaliyey ayaa Abuukar Cumar Cadaan wuxuu si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta.

“Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qabsan, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yiri.

Ciidamada NISA ayaa sidoo kale habeen hore gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xiray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya, waxaana lagu hayaa guri ay ciidanka ilaalo ka yihiin, inkasta oo loo ogol yahay in ehelladiisa ay u tagaan.