Ciidamada oo gacanta ku dhigay gaari qarax waday iyo dadkii la socday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen gaari qarax ah iyo ruuxii waday.

Saraakiisha ciidamada ee degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in gaariga ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, iyadoo ay durba bilaabeen baaritaan la xiriirka gaarigaasi, halka lagu diyaariyay iyo qorshaha laga damacsanaa.

Ciidamada Galmudug ayaa sheegay in shaqsiyaadkii waday gaarigaasi oo aysan shaacin tiradooda inay gacanta ku dhigeen, baaritaan kadibna ay warbaahinta xog dhameystiran la wadaagi doonaan.

Waxay sheegeen in saacaha soo socdo ay soo bandhigi doonaan gaarigaasi iyo dadkii la socday iyo sidoo kale ujeedada laga lahaa gaariga ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa.

Warar hordhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in labo ruux ay la socdeen gaariga waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen, iyadoo lagu qabtay koontaroolka magaalada Caabudwaaq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com