Tirada dadka ku dhintay dagaalkii Mooyaale oo korortay iyo xiisad cusub

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Mooyaale wararka aan saaka ka heleyno ayaa sheegaya in wali halkaasi ay ka taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada, waxaana kordhay tirada dadka ku dhintay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Halkaasi.

Inka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay dagaalka labada Qowmiyadooda, waxaana dhaawaca uu ka badan yahay 100 ruux sida dadka deegaanka ay saxaafadda u sheegeen.

Ma jiro Xal wali laga gaaray dagaalka u dhaxeeya labada dhinac, iyadoo laga baqay in dagaalka uu ku faafo deegaano cusub oo Mooyaale hoostaga.

Madaxa xisbiga Oromada ee degmada Mooyaale Cali Tache ayaa sheegay iney dagaaladu ay a dambeeyeen markii Soomaalida ay sameeyeen Dhul balaarsi deegaanka ah.

Wuxuuna intaa ku daray Soomaalida dagaalka soo qaadday iney dooneyso magaalada iney xarun gobol ka dhigtaan, cabashadoodana ka maamul oroma ahaan ay deegaanka iyo dowladda dhexe gaarsiiyeen balse ay weli jawaab ka helin.

Dagaallada qowmiyadda Soomaalida iyo oromada ku dhex mara magaalada Mooyaale oo soo noqnoqda xagga dowladda Itoobiya wax xal ah oo waara kama aysan gaarin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com