Taliska booliska oo xabsiga dhigay askar si xeeladeysan ku qaadan jiray laba mushaar

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen Shan Ruux oo ka tirsanaa Ciidanka booliska Soomaaliyeed,kuwaasoo sidoo kalena ka diwaangashaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in shaqsiyaadkaasi Muddo badan ay ku daba jireen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sheegay in Magacyo kala duwan ay ku qaadan jireen labo mushaar,iyaga oo aan qaban mid ka mid ah shaqooyinkii loo idmaday.

Waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in labo magac oo ka duwan in dowladda looga qaato labo Mushaar si dalka loo galiyo dhibaato dhaqaalle iyo Musuqmaasuq.

Taliye Bashiir ayaa sheegay in dhammaan baaris guud lagu sameyn doono Ciidanka Booliska Soomaliyeed  si loo helo Ciidan nadiif ah oo dalka Amnigeediisa hanankara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.comÂ