Hadalka xildhibaan Fiqi ee weerarkii Saxafi oo 3 arrin daah-rogay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka dhawaajiyey in weerarkii dhawaan lala eegtay Hotel Saxafi la doonayey in lagu khaarajiyey siyaasiyiin uu ka mid yahay.

Dhawaaqa ka soo yeeray Fiqi waa mid aan la dhayalsan karin oo uu dhaliyey shaki badan, saddexdan qodob oo hoose ayaa laga dhadhansan karaa hadaladdiisa-

1 – In dowladda ay ka dambeeysay weerarka

Sida laga fahmi karay hadalka Fiqi ee uu ku soo celceliyey ‘Shirqool’ waa mid uu si bareer ah ugu sheegay in dowladda ay weerarka soo abaabushay.

Xilidhibaan Axmed Macallin Fiqi waxa uu sidoo kale qishay in Hotel Saxafi yahay xarun ay dagan yihiin xubnaha dowladda mucaaradsan ee uu isagu ka mid yahay.

2 – Wixi lagu eedeyn jiray Xassan Shikeh oo dib u soo laabtay

Sida la wada ogyahay dowladdii Madaxweyne Xassan Shikeh waxaa weerarro lala beegsaday oo la laayey xubno badan oo dowladda ka tirsanaa.

29 xildhibaan oo xilligaas la dilay iyo siyaasiyiin kale waxaa jirtay sheegasooshin ahaa in dowladdii hore ka dambeeysay si ay isaga aamusiiso mucaaradka.

Walowsan aysan jirin cid caddeysay eedemahaas, hadana, hadalka Fiqi waxaa laga dareemi karaa in eedehaas soo laba kacleeyeen, oo dowladda hadda ay iyana beegsaneyso mucaaradka.

3 – Xubnaha mucaaradka oo cabsanaya

Ciidamo ka tirsan nabad-sugidda ayaa hadda ka hor weeraray guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taasi oo dhalisay cambaareyn xooggan. Sidoo kale wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdrisaaq Cumar oo dhowaan NISA ay hakisay qandaraasyo uu bixiyey ayaa sheegay in eedaha loo jeediyey ay yihiin kua la doonayo in qiil looga dhigo in isaga la beegsado.

Marka labaad qodob lagu daro hadalka Fiqi, waxaa soo baxaya in mucaaradka dowladda ay aad uga cabsi qabaan in la beegsado. Si kastaba ma jiraan caddeymo muujinaya in dowladda ay ku lug leedahay ficillada la tuhmayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com