Ciidamada Puntland iyo rag ku dagaalamay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) –  Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xalay saq-dhexe ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland & rag hubeysan oo ka ganacsada maan dooriyaha, gaar ahaan Khamriga.

Is-rasaaseynta ayaa xoogeeda waxa ay ka dhacday agagaarka Buundada dhinaca Bari ka xigta mgaalada Garoowe, taas oo laga maqlay meelo kala duwan oo ka mid ah Garoowe.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan, maadaama ay saameyn ku yeelatay is-rasaaseynta labada dhinac oo ku soo aaday xilli habeen ah.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Ilyaas Isaaq Maxamuud ayaa ka warbixiyey iska hor imaadka dhex-maray ciidamada ammaanka iyo ragga hubeysan, wuxuuna shaaciyey in ciidamada Booliska oo howlgal ku jiray ay rasaas ku bilaabeen ragga hubeysan, ayna kadib ciidamada iska caabiyeen rasaasta, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in wax khasaare ah uusan geysan iska hor imaadka ka dhacay Garoowe, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah raggii hubeysnaa.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa carabka ku dhuftay inay tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan kooxaha ka ganacsada Khamriga ee ku sugan halkaasi.

Puntland ayaa waxaa kusoo noq-noqday iska hor imaadyada hubeysan ee u dhexeeya ciidamada ammaanka ee maamulkaasi iyo maleeshiyaadka hubeysan ee ganacsada waxyaabaha maanka dooriyaha, kuna sugan magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.