Meydadka dad SOOMAALI ah oo laga helay xuduudda dalalka Turkiga iyo Greece

Ankara (Caasimada Online) – Meydadka tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali ayaa waxaa laga helay xadka dheer ee u dhexeeya wadamada Turkiga iyo Giriigga, kuwaas tiradooda guud  lagu sheegay 19 maydad ah, sida warisay warbaahinta maxalliga ee dalka Turkiga.

Sida la xaqiijiyey meydadka muhaajiriinta la helay labo ka mid ah waa Soomaali, kuwaas oo ka mid ah tahriibayaal badan oo ku dhintay qabow daran oo ka dhacayey halkaas.

Afar qof oo kale oo laga shakisan yahay inay yihiin Soomaali ayaa sidoo kale la baarayaa, iyada oo bulshada Soomaalida ah laga codsaday inay gacan ka gaystaan aqoonsiga maydadkaasi.

Labada dal ee dariska ah Turkiga iyo Giriigga ayaa midba midka kale ku eedaynayo musiibadaasi oo noqotay mid aad loo hadal hayo, isla-markaana xanuun badan.

Turkiga ayaa saraakiisha xadka ee Giriigga waxa uu ku eedaynayaa in kooxdaasi uu xoog dib ugu soo celiyay xadka, sidaasna ay ku timid dhimashadooda.

Dhankiisa Giriigga ayaa arrintan gaashaanka u daruuray, wuxuuna eedda dhabarka u saaray xukuumadda Ankara oo uu shaaciyey inay iyadu ka dambeyso mashaqadaasi.

Tahriibayaal fara badan oo ay Soomaali ku jiraan ayaa inta badan ku safra xadka labadan dal, iyaga oo u sii maraya waddamada kale ee reer Yurub.