Sawirro: Doorashada 3 kursi oo ka dhacday Muqdisho – Yaa kusoo baxay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu qabtay doorashada saddex kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kuraastan ayaan loo gelin wax tartan ah, waxaana saddexda xildhibaan ee soo baxay oo mid ka mid ah ay tahay gabar u tanaasulay musharixiintii la tartami lahaa.

Dr Maxamed Elmi Ibraahim oo loo qaaday cod gacan taag ah ayaa ku guuleystay kursiga  HOP#218, wuxuuna helay 98 cod, waxaana ka aamusay 6 ergey.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#270 ayaa waxaa kusoo baxay Cabdiwahaab Cabdi Cumar oo helay 97 cod, kadib markii ay u tanaasushay musharax Muna Axmed Diiriye.

Kursiga saddexaad ee HOP#226 waxaa sidoo kale ku guuleysatay Maryan Maxamed Ciise, waxaa iyana u tanaasushay Khadiija Cali Warsame oo kula tartami laheyd doorashada.

Marwo Maryan Maxamed Ciise aya hesay 95 cod, kadib cod gacan taag ah oo loo qaaday, waxaana doorashadeeda ka aamustay saddex ergey, sida uu shaaciyey guddiga.

Dhammaan saddexdan xubnood ee soo baxay ayaa loo xiray kuraasta loo doortay, taas oo xiiso beel ku ridday doorashadooda, maadaama aysan gelin wax tartan ah.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardar leh u socoto, waxaana qorshaha uu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 bishan aynu ku jirno Febraayo ee sanadka 2022-ka.