Gaalkacyo (Caasimada Online) – War goordhow aan ka helnay deegaanka Qandala ee Gobolka Bari, ayaa sheegaya in ciidamada Pundland ay ku siqeen Magaalada Qandala oo ay ku sugan yihiin Daacishta Somalia.
Ciidamada maamulka ayaa jaray Waddooyin dhowr ah oo gala Degmada Qandala waxaana waddooyinkaasi kamid ah tan ka imaada dhanka Bariga maadaama dhinaca Galbeedka Qandala ee magaalada Boosaaso ay buuro ku yaallaan.
Puntland ayaa sidoo kale xeebaha Qandala u dirtay doonyo ay la socdaan ciidamo aad u hubeysan kuwaasi oo garab u noqonaaya Ciidamada waddooyinka jaray.
Maraakiib dagaal ayaa waxa ay sidoo kale isku baheysanayaan inta u dhexeeya Bada Puntland iyo Yemen Maraakiibtaasi oo ay leeyihiin Ciidamada NATO.
Daacishta Somalia ayaa iyana wadata Dagaalyahaano ajaanib ah kuwaasi oo baddi kasoo jeeda dalka Yemen.
Xaalada Magaalada Qandala ayaa ah mid kacsan waxaana suuragal ah in halkaasi uu ka dhaco dagaal taariikhi ah.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com