Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani aadka u qosolka badan ayaa waxaa laga sameeyay Musharaxiinta kala ah Shariif Xassan Sheekh Aadan, C/raxmaan Faroole iyo C/raxmaan C/shakuur.
Seddexda Musharax oo wax laga weydiiyay sababta ay Madaxweyninimada isugu soo taagen ayaa waxaa Jawaabta ku hormaray Faroole oo sheegay inuu yahay Musharaxa ugu laandheersan.
Shariif Xassan oo isna xigay ayaa waxa uu ku jawaabay in shaqsi ahaantiisa uu yahay Aqoon yahan khibrad leh sidaana uu ku muteystay inuu u tartamo kursiga.
Sidoo kale, C/raxmaan C/shakuur ayaa isna ku faanay inuu yahay Musharaxa ugu xooga weyn.
Seddexdaani Musharax ee isku faanay ayaa noqonaaya Seddexda ugu qunyar socodka badan, marka la eego Musharax.


