Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeynaya dowlada Xasan Sheikh Maxamuud iney ka gaabisay ka warheynta dhismaha darbiga Kenya ka dhiseyso xuduuda Soomaaliya la wadaagto.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku mashquushay siyaasada dalka ayna ka gaabisay ka warheynta damaca Kenya ku dhiseyso darbi kala qeybiya labada wadan.
Waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda ay ku mashquulsan yihiin Siyaasadaha gudaha isla markaana ay Kenya bilowday iney dib usoo celiso qorshihii ay ku dhisaysay derbiga .
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Kenya loogu joojin lahaa qorshaha ay wadato isla markaana ay ka hortagayaan.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Kenya ay ka go’an tahay iney dhisto Derbiga balse Dowladda loogu baahan yahay iney go’aan adag ka qaadato arrintaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto in Kenya laga joojiyo qorshaha ay wadato.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

